Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Ajaanib Ah Oo Isaga Baxay Dhoobleey

Recommended Posts

Deeq A.   

Jubada Hoose (SMN)- Wararka aan ka heleyno degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ajaanibtii degmadaasi ka howl galayay ay bilaabeen in ay isaga baxaan halkaasi.

Dadkan ajaanibta ayaa la sheegay sababta ugu weyn ay uga baxayaan degmada Dhoobleey ay tahay dhibtooyin dhanka amaanka ah oo soo food saaray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ajaanibtaasi ay gudaha degmada Dhoobleey ay ka qaban jireen howlaha dhismaha,balse xiligan ay wajahayaan walwal ku aadan amaankooda.

Dhawaan ayaa guri ay daganaayeen dad ajaanib ah oo ku yaalla degmada Dhoobleey waxaa lagu tuuray bamboo gacmeed qasaaro dhalisay,waxaana xigtay weerar toos ah oo lagu qaaday goob ay ceel biyood ka qoodayeen oo ku taalla duleedka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this