Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Beenisay In La Dayacay Kaluumeysatada Maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (SMN)- Wasiirka wasaaradda kaluumeysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa beeniyay in la dayacay kaluumeysatada ku dhaqan deegaanada maamulka Puntland.

Wasiir Cawaash ayaa tilmaamay in ay jiraan goobo loo cayimay in ay ka kaluumeystaan kaluumeysatada maamulka Puntland,balse aan wali loo dayac tiring meelahaasi sababo jira awgood.

Isagoo hadalkiisa sii watay wasiirka kaluumeysiga Puntland ayaa sheegay in dhawaan la dayac tiring doono xarumo ay ku shaqeystaen kaluumeystada maamulkaasi,balse loo baahanyahay in arintaasi uga danbeeyaan wasaaradda iyo maamulka Puntland.

Shalay ayey aheyd markii qaar kamid ah kaluumeysatada maamulka Puntland ay dhigeen dibax ay uga cabanayeen dayac ay sheegeen in lagu sameeyay howlaheeda kaluumeysi,dibad baxaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this