Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump Oo Ka Hadlay Duqeymaha Mareykanka Ka Fuliyo Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (SMN)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray qoraal sida ay shaaciyeen saraakiil katirsan sirdoonka Mareykanka taas oo lagu sheegay in aysan daabicin Islamarkana aysan baahinin Tiradda Dhimashadda dadka shacabka kasoo gaarta duqeymaha ay fuliyaan.

Wr kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in u jeedka go,aankoodu uusan ahayn in ay ku dedaalayaan sidii dabooli lahayn qasaaraha ka dhasha duqeymaha ay geystaan balse qorshahani ayaa hor imaanayan wax qabadka madaxweynihii hore Mareykanka Barack Obama ee ku aadanaa in sirdoonkoodu ay soogudbiyaan macluumad faahfaahsan oo ku aadan duqeymaha ay gaystaan iyo qasaaraha rayidka kasoo gaara.

Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sanadkii 2017 duqeymhii ay fuliyeen shaaciyay bishii June  halka qasaarihii sanadkii tagay ee 2018 la soo bandhigay bishii January.

Mareykanka ayaa duqeymaha ugu badan kagaysta dalakal Iraq, Syria, Afghanistan, Somalia iyo  Libya waxaana dhawaan taliska Mareykanka ee AFRICOM ay sheegeen in ay joojiyeen baahinta wararkoda ku aadan duqeymaha ay la beegsadaan A-l shabab qsaaraha kadhasha walow goor dambe ay ka laabteen go,ankaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this