Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Amaanay Soo Celinta Xiriirka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Siyaasiga Cabdi Ruauuf oo la hadlayay istuudiyaha Shabelle ee Muqdisho ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ku amaanay go’aankii geesinimada lahaa ee uu ku tagay dalka Kenya.

Siyaasiga ayaa sheegay in soo celinta xiriirka Kenya iyo heshiiyada uu madaxweyne Farmaajo la galay dhigiisa Kenya ay horseedeyso nabad ay kuwada noolaadaan dalalka dariska ee geeska Africa.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaaday bartamihii bishii February ee la soo dhaafay,markaas oo dowladda fadhigeedu yahay Nairobi ay soosartay waraaqad ay ku sheeganeyso badda ay leedahay Soomaaliya.

Ugu danbeyn madaxweyne Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay,kadib safarro uu ka tagay dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Dhageyso Codka Siyaasiga:-

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-siyaasi.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this