Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xukuntay abwaankii MUUSE BIIXI u bixiyay Muuse Shaani

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya  in maamulka Somaliland uu xukun ku riday abwaankii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u bixiyay Muuse Shaanni.

Maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa ayaa lacag badan iyo xukun xarig ah ku riday labo ruux oo reer Hargeysa ah, kuwaasi oo la sheegay in loo heystay eedeymo kala duwan oo ay ku jirto aflagaadeynta madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun dhaqaalo ah ku riday Shan ruux oo qeyb ka ahaa eedeyntaasi, waxaana lagu xukumay lacag dhan $3,125,000 (saddex Milyan, boqol iyo shan iyo labaatan kun Oo Doollar).

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ayaa maanta midkiiba ku ridday 8 sanno oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) laba muwaaddin oo la kala yiraahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud.

Sida lagu sheegay qoraalka maxkamadda Waxaa dhamaan muwaadiniinta la xukumay loo heystaa Eedeymaha kala ah

Inay dhiirri-geliyeen jaritaanka xarig ay leedahay Shirkadda Intertentka ee SOMCABLE.

Abwaan Baashe Xasan Maxamed waxa lagu eedeeyay in uu Madaxweynaha Somaliland ku yiri “Muuse-Shaanni” taasi oo keentay in maanta lagu xukumo xarig siddeed Sano ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this