Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hab yaab leh oo loo musuq-maasuqay qorista ciidanka booliska cusub ee…

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa jira warar sheegaya in uu sii kordhayo musuq maasuq lagu sameeyay qorista Ciidamada cusub ee Booliiska HirShabeelle, kuwaas oo loogu talagalay in ay la wareegaan amaanka degaanada maamulkaasi, si Milateriga ku sugan gudaha magaalada loo geeyo goobaha ay ka baxayaan Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle ayaa Caasimad Online u sheegay in Ciidamo cusub oo la tababarayo HirShabeelle la bilaabay in lagu soo xulo wado aan sax aheyn taas oo saameyn karta sugida amniga HirShabeelle.

Mas’uuliyiinta maamulka HirShabeella, sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhamaan istaafkooda ka diiwaan geliyay tababarka Ciidamada Booliiska waxayna taasi meesha ka saareysaa in Ciidan cusub oo amaanka la wareega laga abuuro HirShabeelle.

Ciidamada istaafka ahaa ee tababarka Booliiska laga diiwaan geliyay ayaa sidoo kale qaarkood katirsan Melitariga Soomaaliya halka qaarka kalane ay yihiin Ciidamo maleeshiyaad ah oo Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ku sugnaa.

“Ciidamadaan hadii ay tababarka ka soo baxaan waxay dib ugu laabanayaan istaafkii gaarka ahaa oo ay markii hore ku shaqaysan jireen, waxaana markaas meesha ka baxaya rajadii laga qabay in Ciidamada ay la wareegaaan amaanka Jowhar, Milaterigana loo wareejiyo furanaha dagaalka”, sidaas waxaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaan katirsan Baarlmaanka HirShabeelle.

Ciidamada hada tababarka ku jira ee Maamulka HirShabeelle ayaa la sheegay in ay gaaraan ilaa 200 oo Askari, waxay noqonayaan Ciidamo cusub oo loo tababaro amaanka HirShabeella. Mas’uuliyiinta HirShabeelle ayaa u dhawaan u qayla dhaamiyay dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha kale ee Soomaaliya ka taageera tababarka Ciidamada si maamulkaasi loogu tababaro Ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay baaqii HirShabeelle ee ahaa in loo tababaro Ciidamo cusub balse waxaa durba soo baxaya qayla dhaan ka imaanaysa Xildhibaanada iyo siyaasiinta kale ee HirShabeelle oo ku aadan in aan wado sax ah loo marin soo aruurinta Ciidamo cusub oo Boolis ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this