Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkada Qatar Airways oo shaacisay xilliga rasmiga ah ee ay duulimaadyada Muqdisho billaabeyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa shaaca ka qaadday waqtiga ay sida rasmiga ah u billaabeyso duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Doxa.

Qoraal kasoo baxay Qatar Airways ayay shaaca uga qaadday in Bisha July ee 2019 ay toos isaga kala gooshi doonto Doha iyo Muqdisho, waxaana Muqdisho ay ka mid tahay toddoba magaalo cusub oo Qatar Airways ay u duuli doonto.

Duulimaadyada u dhaxeeya labada magaalo ayaa noqon doono kuwa toddobaadkiiba saddex goor ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay Qatar Airways.

Duulimaadyada Qatar Airways ee Muqdisho ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay bishii December ee 2016, kadib kulan dhex-maray guddoomiyaha Qatar Airways iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre.

Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya.

Qatar Airways ayaa noqonaysa diyaaraddii afaraad ee caalamiga ah ee Muqdisho u duusha, waxaana hadda taga Turkish Airways, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this