Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia iyo Kenya oo ‘isku raacay in muranka badda lagu xaliyo diblomaasiyad’

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Taleefishinka qaranka dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya la go’aamiyey in lagu dhammeeyo hab diblomaasiyeed.

Warbixin uu taleefishinka baahiyey ayuu ku sheegay in arrintan lagu go’aamiyey kulankii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay shalay ku yeesheen magaalada Nairobi.

“Hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay kulankii uu dhex-dhexaadiyey Abiy Ahmed isku raaceen in murankii ka taagnaa xuduudda badda lagu xaliyo hab diblomaasiyeed oo kaliya” ayuu yiri taleefishinka dowladda.

Warkan ayaa u muquda mid ka duwan kan Villa Somalia, oo lagu sheegay in ajandaha wada-hadallada ay ku koobnaayeen oo kaliya xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal, oo aan laga wada-hadal arrinta badda.

Dowladda Kenya ayaa muddo dooneysay in laga laabto dacwadda badda ee Soomaaliya ay gaysay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, islamarkaana xiisadda lagu dhameeyo hab diblomaasiyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku adkeysatay inaysan wada-hadal ka galeyn arrinta badda, hase yeeshee Villa Somalia weli ma aysan beenin warka kasoo baxay taleefishinka dowladda Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this