Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Axsaan Uu Sameeyay Ku Helay 1.5-Bilyan Dollar.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Washington)bakhtiyaanasiibkii ugu badnaa ee abid Maraykanka laga bixiyo oo 1.5 bilyan oo doolar ah, ayaa asaxaan sameeyay oo qof iska hormariyay isaga oo tigit ka gadanayay South Carolina, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

31EA31D8-2244-4CC5-AA72-DFFC0B63C42A-102

Qofkan oo doortay in magaciisa la qariyo ayaa asaxaan sameeyay, kaas oo u horseeday natiijo layaab ah”, sida ay sheegeen masuuliyiinta bakhtiyaanasiibka.

Marka canshuurta laga jaro ka dib waxaa qofkan loo shubi doonaa 877 milyan oo doolar.

Shaqsigan aan magaciisa la shaacin ayaa la qaadan doona lacagtii ugu badnayd ee uu abid shaqsi kali ah bakhtiyaanasiib ugu guulaysto marka laga hadlayo dalka Maraykanka.

Masuuliyiinta bakhtiyaanasiibka oo dib u milicsanaya sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay in qofka guulaystay uu asxaan u sameeyay qof kale iskana hor mariyay markii uu gadanayay tikidka, taasina ay u horseeday guusha uu gaaray.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in mashiin uu lambaradda bakhtiyaanasiibka u bixinayay si aan isku xigxigin oo is dhaafsan.

Hogan Brown oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee bakhtiyaanasiibka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri:

“Waxaan ku faraxsannahay in qofka ku guulaystay uu ku sugan yahay South Carolina, isla markaasna uu shirkadda u yimid si uu ugu caddeeyo in uu yahay qofka ku guulaystay qiimahan cajiibka ah.”

Ninka leh dukaanka KC Mart ee iibiyay tikitka guulaystay ayaa sheegay in 50,000 ee uu heli doono uu ku dayactiri doono dukaankiisa.

“Waa farxad ballaaran, anigana way ii wanaagsan tahay, isaga ama iyada qofkuu doonaba ha noqdee way u wanaagsan tahay ayuu yiri Chirag Patel oo dukaanka ku leh deegaanka Greenville.

South Carolina ayaa ka mid ah gobollada aan badnay ee ogol in qofka guulaysta uu is qariyo.

Kuwa kale waxaa ka mid ah Delaware, Ohio, Kansas, Maryland, Georgia, North Dakota, iyoTexas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this