Sign in to follow this  
Deeq A.

Cawad oo gudoomiyay shirka wasiirada Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga calamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maanta shir gudoomiyay kulankii 151-aad ay yeeshaan wasiirada arrimaha dibadda ururka Jaamacadda Carabta.

Kulanka ay yeesheen  wasiirada arrimaha dibedda ururkaasi sanado badan kadib markii ugu horeysay ay gudoomisay Soomaaliya ayaa looga hadlay siyaasadda, dhaqaalaha is dhexgalka, amaanka iyo ajendaha looga hadli doono kulanka xiga ee golaha uu yeelanayo.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Falastiin iyo dhibaatooyinka ay wajahayaan dadka dalkaasi u dhashay.

Wasiirada arrimaha dibedda ee kulanka ka soo qeyb galay iyo wasiirka Cawad ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha dalalka Libya iyo Yemen oo xasarado ay kajiraan.

Ururka Jaamacadda Carabta oo 22 dal ay ku mideysan yihiin ayaa la aasaasay 1945-tii, iyadda oo Soomaaliya ay xubin ka noqotay 1974-tii.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this