Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Farmaajo iyo wafdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nayroobi.

Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi halkaas oo maanta ay ku kulmeen Madaxwaynaha kenya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya,iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this