Deeq A. Posted March 6, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nayroobi. Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi halkaas oo maanta ay ku kulmeen Madaxwaynaha kenya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya,iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal View the full article Share this post Link to post Share on other sites