Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi: Warka Villa Somalia waxa uu isoo xusuusiyey dhacadii QAlBI-DHAGAX

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyey inuu shacabka ka qarinayo wixii ay ka wada-hadleen isaga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Qoraal uu Fiqi soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in habka qeybta warfaafinta madaxtooyada ay uga hadleyso arrintan ay soo xusuusisay sidii loo qariyey dhiibistii Qalbi-Dhagax ee markii dambe soo shaac baxday.

Hoos ka qoraalka Fiqi oo dhameystiran.

Waxaan wada aqriyey xogta ka soo baxdey kulankii masaafada dheer iyo xawaaraha sarreeya loo soo jaray ee dhexmarayey Madaxweynayaasha Soomaaliya Farmaajo iyo Kan Kenya Uhuru uuna nabadoonka ka ahaa Abiy Axmed.

Warka dhanka Madaxweyne Farmaajo ka soo baxey waa mid kooban oo u muuqda inuu marin habaabinayo umadda, shakki badanna abuuraya sida uu u qornaa oo sheegaysay “inuu ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal” asagoo madaxweynuhu nooga dhigayo in waxa muranka ka dhex dhaliyey labada dal iyo kiiska baddu ay kala duwan yihiin.

Arrintani waxey i soo xusuusinaysaa markii Qalbi Dhagax ay dawladda Soomaaliya dhiibtay oo ay noo sheegeen muddo la qarinayey ka dib, in wadahadal uu kula jiray dawladda Itoobiya uu ku tagay ee aysan jirin wax dhiibid ah, laakin si la mid ah waxa maanta dhacaya oo kale wasiirka warfaafinta Itoobiya ayaa voa-da ka sheegay in dawladda Soomaaliya ku soo wareejisay Qalbi-dhagax, maantana war ka soo baxey xafiiska PM Abiy Axmed ayaa soo sheegaya “in laga wadahadlay xudunta mushkilada u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya”.

Madaxweyne Farmaajo markaan lagama sugayo in uu yiraahdo dhulkii ayaa wadahadal uu la galay Kenya ku baxey sidii Qalbi-dhagax oo kale. Waxaase la ga sugauyaa in booqashadiisa iyo wadahadalkiisa uu mugdiga weyn ku hareeraysan yahay uu umadda faahfaahin ka siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this