Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa ciidanka DFS oo lagu dilay Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (SMN)  – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya loogu geystay M/Baardheere ee gobolka Gedo.

Dilkan oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay Hoy uu Marxuumka ka daganaa duleedka degmadaasi.

Raggii ka dambeeyay falkani oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka magaalada Baardheere oo ku aadan dilkaasi.

Sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka Askarigaasi, balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal ka fuliya gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this