Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagee ayey isaga egyihiin weerarka ku socda Batuulo Axmed Gabale iyo kii uu ku baxay Jawaari?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gabale ayaa wajaheysa weerar siyaasadeed oo kaga yimid xafiisyada madaxweynaha iyo xukuumadda, iyo marwada koowaad ee dalka.

Bilooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa cirka isku sii shareeray khilaaf ka dhax-jira ururka Haweenka Soomaaliyeed, kaas oo la sheegay in laga dhax abuuray Haweenka Qaranka sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Wasiirka Haweenka Soomaaliya Deeqa Yaasiin, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Qadiijo Maxamed Diiriye iyo Marwada Madaxweynaha Seynab Macalim ayaa hor boodaya khilaafka u dhaxeeya ururka Haweenka iyo weerarka ku socda Batuulo Axmed Gabale.

Maxaa lagu heestaa Batuulo Axamed Gabale?

Khilaafkaan oo u dhaxeeya Wasiirka Haweenka iyo Batuulo Axmed Gabale waxa uu ka soo bilaabay kadib markii Wasiirka Haweenka Soomaaliya Deeqa Yaasiin ay Batuulo ka dalbatay in ay ku shaqeyso islamarkaana wixii soo hara ay kireysato qaybna maqaayad ka dhigata dhismaha Guriga Hooyooyinka oo ay dagan yihiin ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, markaas oo ay isku fahmi waayeen.

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa khilaaf ka dhax-qarxay ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo la aaminsan yahay in ay ka dambeyso Wasiirka Haweenka Soomaaliya. Xubnaha Khilaafka waday ayaa sameeyay doorasho dhicisoowday kadib markii ay ka soo horjeesteen ururada Haweenka ee Maamul Gobaleedyada.

Sidoo kale waxyaabaha ay daneyneyso Wasiirka Haweenka Soomaaliya, Deeqa Yaasiin ayaa la sheegay in ay tahay taageerada ay ururka Haweenka ka helaan hey’adaha caalamiga sida UNDP iyo xafiisyada kale ee taageera Haweenka Soomaaliyeed.

Arintaan waxaa gadaal ka riixaya Xildhibaano ka tirsan Xubnaha Haweenka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna taageero ka heestaan Marwada 1aad ee dalka iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Dadka daneeya daganaanshiyaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in ay la kala dhax-galo gabdhaha is-khilaafsan oo saameen wayn ay ka dhalin karto hadii aan xal loo helin.

Maxaa fududeeyay in Batuulo la wareero?

Batuulo Axmed Gabale ayaa Guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliya noqotay bishii April sanadkii 2012, markaas oo ay Guddoomiyihii Ururkaasi ku dhaawacntay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka. Batuulo waqtigeeda waxa uu ku ekaa sanadkii 2016, tan iyo wixii markaas ka dambeeyay waxay diidaneed in ay qabato doorashada Haweenka Soomaaliyeed maadaama uu waqtigeeda dhamaaday.

Dhowr-jeer ayaa loo ballamay in ay dhacdo doorashada Ururka Haweenka laba jeer waxaa loo baajiyay, Abaaro dalka ku dhuftay iyo mar la dilay Wiilka Batuulo Axmed Gabale oo Xamar Wayne lagu dhax-dilay.

Markii 3-aad oo ay baaqato doorashada Ururka Haweenka ayaa aheyd 1-dii bishaan, afar maalmood ka hor waxaana loo baajiyay Shir-waynaha Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed ee ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo loo arkay weerar culus oo ku wajahan Batuulo Axmed Gabale.

Xagee isaga egyihiin weerarka Batuulo iyo Jawaari?

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sidaan oo kale weerar siyaasadeed oo aad u adag kala kulmay Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo markii dambe sababay inuu xilka iska casilo Prof Jawaari.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Batuulo Axmed Gabale ayaa weerarka lagu soo qaaday waxa uu iska leeyahay.

1) In aan lagu mucaaradin dan guud balse loo mucaaraday dan gaar.

2) In weerarka labada mas’uulba ay iska kaashadeen Xukuumadda, Baarlamaanka Xubno katirsan iyo Madaxtooyada.

3) In Ujeedada laga leeyahay ay tahay arrimo dhaqaalo iyo in aan hore loo socon.

Batuulo Axmed Gabale ma heysato taageeradii Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana loo arkaa in aysan dagaalami karin sidii guddoomiye Jawaari. Dad badan ayaa qaba maadaama Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ku baxay khilaafkaas in sidoo kale Batuulo Axmed Gabale ay ku bixi doonto.

Wasiirka Haweenka Soomaaliya Deeqa Yaasiin iyo Marwada 1-aad ee dalka Seynab Macalim oo hor boodaya weerarkaan saaran Batuulo Axmed Gabale ayaa heesta difaacyo adag oo ay ku dagaal galaan.

Deeqa Yaasiin waxay aad isugu dhawyihiin Marwada Koowaad waxayna arintaasi suurta gelineysaaa in ay ku sii dhiiran karto weerarkeeda ka dhanka ah Batuulo Axmed Gabale halka Marwada 1aad ee dalkana ay heysato taageero wayn oo dhinaca Madaxweynaha ah. 

Madaxda qaranka maxeey u yareesteen Khilaafka Haweenka ?

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in arintaan ay Madaxda Qaranka ka dalbatay in looga dambeeyo Marwada 1-aad ee dalka iyo Wasiirka Haweenka Soomaaliya kuwaas oo muuqda in ay doonayaan in meesha ay ka wareejiyaan Batuulo Axmed Gabale.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, waxa ayna dad badan is weydiinayaan sababta ay Dowladda Soomaaliya u soo geli la’dahay khilaafkii sii xumaanaya ee u dhaxeeya Haweenka Soomaaliyeed.

Muxuu yahay ururka Haweenka Qaranka?

Waa urur ka madaxbanaan Dowladda, waxa uu leeyahay Dastuur iyo xeerar ilaaliya jiritaanka ururka, waxa uu ilaaliyaa xaquuqda dumarka iyo horumarintooda.

Ururkaan waxaa dib loo soo nooleeyay sanandkii 2011 waxa uuna door wayn ka qaatay dhisidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay dowladnimo isu taageen oo ay taageereen waqti ay magaalada Muqdisho adagtahay in dowlad la taageero ama loo shaqeeyo.

Dad badan oo katirsanaa ururka Haweenka ayaa naftooda ku waayay qataraha amni ee dalka ka jira. In badan oo kamid ah waxaa loo dilay taageerada Dowladad Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this