Sign in to follow this  
Deeq A.

HARGEYSA: Laba Nin Oo U Xidhnaa Shirkadda Somcaple Oo Lagu Xukumay 8 Sanno Oo Xadhig Ah Iyo Ganaax Lacageed Oo 625,000 Oo Dollar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda racfaanka gobolka Marood-jeex ayaa Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa ay ku xukumay 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo 625,000 dollar (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo doollar)

abwaa.png

Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur ayaa lagu eedeyey inay jarjareen Xadhko ay lahayd Shirkada SOMCABLE gaar ahaan deegaanka Oodweyne.

Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa hore sii deysay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex 29kii Oktoobar 2018ka, waxaanay muddo 5 bilood ah u xidhnaayeen ambiil ay qaateen Xeer-ilaalintu, markii wax dembi ah lagu waayay.


Dhagaysiga rafcaanka dacwaddooda ayaa waxa la bilaabaykaas Arbaca 13kii Feberweri 2019ka, taas oo saaka laga gaadhay g’aan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this