Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali Ku Xayiran Garoonka Diyaaradaha Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Waxaa xalay saqdii dhexe hakad la galiyay gabi ahaanba dhaq dhaqaaqii garoonka ugu mashquulka badan bariga Africa ee Jomo Kenyatta ee dalka Kenya,kadib gadood ay sameeyeen shaqaalihii ka howl galayay garoonkaasi.

Gadoodka ay sameeyeen shaqaalaha ayaa waxaa sababay qorshe ay guud ahaan shaqada garoonkaasi kula wareegeyso shirkadda duulimaadka ee Kenya Airways.

Shirkaddan oo la filayay in maanta ay si rasmi ah ula wareegto shaqada garoonka Joma Kenyatta ayaan bilaabin shaqadeeda,kadib markii qeybaha kala duwan ee gudaha garoonka ay rabshado ka kiciyeen shaqaalihii horay u joogay halkaasi.

Boqolaal ruux oo Soomaali ay ku jiraan ayaa la soo sheegayaa in ay ka mid yihiin dadka ku xayiran gudaha garooonka iyo kuwa kale oo ku sugan banaankiisa oo doonayay in ay ka safraan garoonka Joma Kenyatta.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in ay isku dhaceen Booliska iyo shaqaalihii garoonka,taas oo keentay in suntan indhaha ka ilmeysiisa ay isticmaalaan ciidanku,taas oo khasaare ay ka soo gaartay dad sugayay duulimaadyadooda oo ku sugnaa banaanka garoonka.

Shaqaalaha garoonka Joma Kenyatta ayaa ka cabanaya in boqolaal ka mid ah ay shaqo la’aan soo wajihi doonto,haddii shirkada Kenya Airways ay la wareegto dhaq dhaqaaqa garoonkan oo ah kan ugu mashquulka badan bariga Africa.

 

 

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this