Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Gaaray Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib ka qeyb galkii shirka Midowga Baarlamaanada Carabta oo ka dhacay dalka Jordan.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Ankara ku soo dhaweeyay guddoomiye Mursal iyo wafdigiisa mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo kulamo uu la qaato madaxda sare ee Turkiga, kuwaas oo looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dowladood iyo arrimo kale.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo ka caawiyo dhinacyada dhaqaalaha iyo milatariga.

Muddooyinkii la soo dhaafay guddoomiyaha golaha shacabka oo ku sugnaa Jordan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanayay madaxdii ka soo qeyb gashay shirkii Midowga Baarlamaanada Carabta ee lagu qabtay magaalada Cammaan ee dalkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this