Deeq A. Posted March 6, 2019 Boosaaso (SMN) – Boqolaal ganacsato oo ka careysan amarkii dhawaan ka soo baxay maamulka Puntland ee ku aadanaa in Ganacsigooda ay ka raraan Suuqa Madfish ee Aaga dekedda Magaalada Boosaaso ayaa maanta waxa ay xireen waddo Howlbowlo u ah Magaaladaasi Boosaaso. Dibadbaxayaasha aya isugu yimid halka loo Yaqaan Aargada Gaaco , waxaana ay Dalbanayeen in maamulka Puntland uu ka laabto Go’aankaasi. Suuqa la xiray ee Kalluunka ayaa kaabiga ku haya Dekedda Boosaaso , waxaana Xiritaankiisu yimid kadib markii lagu dilay Madaxii Shirkadda DP World uu qaabilsanaa Dekedda Boosaaso , inkastoo Dibadbaxayaasha markii dambe Ciidamada Ammaanka Puntland kala ceyriyeen. Waxaana Masuuliyiinta Maamulka Puntland xiritaanka Suuqaasi ku micneeyeen , arrimo la xiriira Sugida Nabad Gelyada Dekeddaasi. Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta maamulka Puntland oo looga jawaabayo Cabashada Ganacsatadaasi marka laga reebo shirkii Jara’id oo ay ku soo saareen Amarkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites