Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Sheegay In Nin 40 Jir Ah Uu Kufsaday Gabar 5 Jir Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Iyadoo dhawaanahan Soomaaliya ay  kusoo Badanayeen tacadiyaa dhinaca galmada oo ka dhan ah dumar ay da’doodu kala Duwan tahay ayaa dhacdadii ugu danbeyay ee kufsi waxaa lagu dilay gabar 12 sano jir aheyd oo lagu magacaabi jiray Caaisha Ilyaas Aadan.

Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo Ka Jawaabayay Su,aalo arrimahasi ku saabsan ayaa xad gudubka kusfiga ku tilmaamay musiibo qaran.

Dhanka kale xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in aan loo baahneen in xeer jajab lagu ciqaabo qofka ay ku cadaato in uu geystay xad gudub kufsi,si loo horkeeno cadaalada.

Danbiyadda  Kufsiga ayaa Kamid ahaa dhibaatooyinka Kale ee dalka Ka Dhici Jiray balse kuwii ugu danbeeyay ayaa xambaarsanaa dareeno kala duwan, maadama dumarka qaar la isugu daray kusfi iyo dil.

In aan cadaalada la horkeenin dadka geysta kusfiga  ayaa dadka qaar sabab uga dhigeen odayasha dhaqanka maadama ay xalka ka raadinayan nidaamka qabaliga ah, halka dadka qaarna ay Qabaan in cadaaladda iyo hay,adaha garsoorku ay Ka gaabiyeen Shaqooyinkooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this