Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Bisha Cas eeTurkiga oo Gargaar Gaarsiisay Duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’ada dhinaca gargaarka u qaabilsan dalka Turkiga ayaa agab dhar ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool xeryaha barakacayaasha ee duleedka Magalada Muqdisho.

Hay’ada bisha cas ee Turkiga ayaa dharkan oo Cadadkisu badanaa u qaybisay 5 kun oo qoys kuwaas oo kamid ah barakacayaasha halkaasi Kunool.

Safiirka Turkiga u fadhiya  Soomaaliya Ambassador Mehmed Yilmaz iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha bini,aadanimaa iyo musiibooyinka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadani agabka dharka loogu qeybinayay barakacayasha Soomaaliyeed.

Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaliya oo munaasabada kahadlay ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Turkiga ay howlahaa kaalmaynta la garabtaagnayd shacabkeeda Soomaaliyeed tan iyo sandkii 2011-kii xigaasi oo ay dalka Abaaro xoogan ku dhufteen.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this