Deeq A. Posted March 6, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, ayaa heshiis ku gaaray magaalada Nairobi oo maanta ay wada-hadallo ku yeesheen. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Villa Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites