Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galeysa Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hamburg  (SMN) – Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Jarmalka ayaa dabayaaqada bishan March lagu qaban doonaa magaalada Hamburg ee dalkaasi,waxaana looga hadli doonaa horumarinta tamarta dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Shirkaasi oo socon doonaa muddo laba maalmood ah ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa sidii maalgalin caalami ah loogu sameyn lahaa tamarta dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay oo ku yaalla Africa,iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka dowladda Jarmalka iyo shirkadaha wax ku soo saara tamarta ee Africa.

Waxaa ka qeyb gali doona shirkan wasiirada tamarta iyo biyaha dalalka South Africa, Angola, Morocco, Ghana, Sierra Leone, South Sudan, Nigeria, Equatorial Guinea, Gambia, Burkina Faso iyo Somalia.

Sidoo kale waxaa shirkani ka dhici doona dalka Jarmalka ka qeyb galaya ha’yado caalami ah oo doonaya in ay maal gashi ku sameeyaan tamarta iyo kheyraadka dalal badan oo shirkaasi ka qeyb galaya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this