Deeq A. Posted March 6, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayA weerar khasaaro geystay oo xalay ka dhacay degmada Yaaqashiid ee gobolka Banaadir. Weerarkan oo loo adeegsaday Bam-Gacmeed ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday ciidamo ku sugnaa waaxda Horseed ee degmadaasi. Hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkan, taas oo la sheegay in ay aheyd Haweeney ganacsato ah oo ku sugneyd halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-xasanwali.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites