Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga fileysan karaa Shirka Farmaajo iyo Kenyatta ku dhexmaraya Nairobi ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Shirar hordhac ah ayaa ilaa xalay ka dhacayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed.

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kulmaan madaxda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia, kulankaasi oo looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somalia iyo Kenya.

Amb C/raxmaan Nuur Diinaari oo noqday safiirka Somalia ee Sudan ayaa ka hadlay waxyaabaha laga fileysan karo shirka maanta ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo ah mid seddex geesood ah.

Amb Diinaari, ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid muujinaya isku soo dhawaansho dalalka Kenya iyo Somalia oo xurguf siyaasadeed ay ka dhaceysay, isaga oo sheegay in dalalka Ethiopia iyo Eritrea ay ka shaqeynayaan arimahan.

“Waxay ku xiran tahay Kenya inay qiimeyso waxyaabihii ay sameysay lagana arko in Kenya ay qaaday talaabo Diblumaasiyadeed oo qalad ah, sababtoo ah iyadoo safarkeeda u yeeran karta ayay ku dartay hadalo adag, sida inay cunuqatabeyn kusoo rogeysa Somalia, iyo arimo kale”.

“Arintaan waxaa wada dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo hadda doonaya in dalalka Kenya iyo Sudan lagu soo daro isbadalka Geeska, Arinta Baddana sida wasiiru dowlaha Sheegay waa lama taabtaan, haddii Kenya ay qaadato qaladaadkeeda guul ayaa laga fileysan karaa shirka.”ayuu yiri Amb Diinaari.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Kenya marka ay garwaaqsato qaladaadkii diblumaasiyadeed ee ay gashay in isbadal weyn laga fileysan karo guud ahaan goboka Geeska Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this