Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo ma wuxuu gorgorton ka geli doonaa arinta xuduudda badda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi, halkaasi lagu wado in looga xaajoodo xiisadda diblomaasi ee salka ku haysa xuduudda badda ee ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in laga wadahadli doono sidii dib loogu soo celin lahaa, loona xoojin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

Waxa uu intaa ku daran in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya ka sokow in laga hadlayo xiriirka diblomaasiyadeed waxaa wehliya arrinta muranka badda ee labada dal u dhaxeyso, iyadoo Kenya ay dooneyso in arrinta Badda wada hadal laga galo.

Dadka odorasa arrimaha Soomaaliya ayaa dhaliilay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Kenya, iyadoo horay u eriday Safiirka Soomaaliya, isla markaana Kenya oo ka mas’uul aheyd xiriirka xumaaday uu dalkeeda ugu tago, waxaa taa bedelkeed siyaasiyiinta tilmaameen in wada hadalada uu ka dhaco dal saddexaad.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada ayaa meel xun gaartay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaal xuduud badeedka lagu mursan yahay.

Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay 7-dii Febraayo lagu soo bandhigay xog sahmin oo keliya isla markaana aanay xaraashin ceelal shidaal lagu tuhunsan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this