Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo war cusub kasoo saaray kulamada Seddex geesoodka ee Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay shirka seddex geesoodka ah ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dalalka Ethiopia, Somalia iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa lagu shaaciyay in Ethiopia ay qaadatay masuuliyadda Dhexdhexaadinta dalalka Somalia iyo Kenya oo xiriirkooda uu xumaaday waxii ka dambeeyay bartamihii bishii Febraayo ee sanadkaan.

Abiy Axmed ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyay in masuuliyadda uu u qaaday sidii loo xalin lahaa khilaafka dalalka Kenya iyo Somalia, maadaama la doonayo in qeyb ka noqdaan isbadalka geeska Africa.

Kulamo hordhac ah oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kadib bilowday wadahadalka Uhurru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa lagu sheegay in EThiopia ay dooneyso inay deris wanaag ku wada noolaadaan dowladaha bariga Qaarada Africa ku wada yaala.

Ethiopia ayaa lasoo baxday isbadal siyaasadeed uu ka duwan kuwii hore tan iyo markuu xilka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxaana uu la heshiiyay dowlado badan oo ku yaala bariga Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Ethiopia
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this