Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Somalia baahisay Jawaabta qoraalkii ugu dambeeyey ee Kenya ka soo baxay +wuxu daaran yahay+Shaki safarka Farmaajo & Abiy ee Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Somalia baahisay Jawaabta qoraalkii ugu dambeeyey ee Kenya ka soo baxay +wuxu daaran yahay+Shaki safarka Farmaajo & Abiy ee Nairobi

 uhuru.jpg
 Dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay jawaab ay ka bixisay hadalkii ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ay Nairobi sheegtay 21-kii Febraayo.

Qoraal ku taariikhaysan 25-ka Febraayo, oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayay dowladda Soomaaliya ku diiday qaabka ay Monica Juma u dhigtay ‘muranka badda’ ee ka dhex oogan labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inaysan marnaba iib geyn islamarkaana iib geyn doonin xidhmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeedka lagu murunsan yahay.

Soomaaliya ayaa Kenya u sheegtay in ku qanacsan tahay kuna adkeysaneyso in muranka badda ee labada dal lagu dhammeeyo go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, islamarkaana Kenya ay taas aqbasho.

Waxa ay sidoo kale ku baaqday in labada dalba ay ka fogaadaan ficillo hal dhinac ah oo kasii dari kara xiisadda.

Baahinta qoraalkan ee caawa ayaa u muuqata tallaabo ay dowladda Soomaaliya ku dejineyso shacabka ka walaacsan safarka madaxweyne Farmaajo ee Nairobi iyo in kiiska badda ee maxkamadda laga laabto, laguna dhameeyo wada-hadal.

Halkan ka akhri Qoraaalka Rasmiga ah:-

pap1.jpgpap2.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this