Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed, Farmaajo iyo Uhuru oo ku kulmay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo ay xalay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmd, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay ku yeesheen magaalada Nairobo ee caasimadda dalka Kenya.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa u jeedadiisu ay aheyd in madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada hadlaan xiisada u dhexeysa labada dal.

Lama oga illaa iyo hadda waxyaabaha ay isla meel dhigeen madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale lama saadaalin karo,sida ay wax noqon karaan ama meesha ku biyo shubanayaan kulamadan oo uu gar wadeen ka yahay R/wasaare Abiy Axmed.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo shaac baxay, kadib markii dowladda Kenya ay ka hortimid shirka shidaalka Soomaaliya ee dhawaan lagu qabtay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this