Deeq A. Posted March 5, 2019 Masar (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa magaaladda Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar, Sameh Shukri. Labada masuul ayaa waxaa kulankooda ku wehliyay xubno kale oo labada dowladood ka kala socday. Wadahadaladda ay yeeshaan labada wasiir ayaa diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka iyo iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyo badan. Soomaaliya iyo Masar ayaa wadaaga cilaaqaad soo jireen ah kaasoo ku saleysan danaha labada shacabka labada wadan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites