Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Haweeney Soomaali Ah Oo Laga Helay Dhismo Ku Yaalla Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-California)-Booliska magaalada San Diego ee Gobalka California ee dalkaasi ayaa sheegay inay maydka Haweeney Soomaali ah laga helay Dhismo ku yaalla Deegaanka ay Jaalliyadaha laga tiro badan yihiin ka deggaan yihiin Xaafadda City Heights ee magaaladaasi

MARXUUMAD-MUNA-KURI.jpg

Shaki xooggan ayaana laga muujiyey qaabka loo dilay Marxuumadaasi oo la odhan jirey Muna Kuri oo 36-jir ahayd, waxayna dhawaacyo xooggan kaga yaalleen qeybaha sare ee jidhkeeda, iyadoo uu madaxeeda dhiig ka daadanayey.

Warbaahinta nbcsandiego.com ayaa qortay in maydka haweeneydaasi shalay subax laga helay sarriir dhex taalla dhismaha.

Haweeney la dhalatay Marxuumadda ayaa sheegtay inay tegtay guriga walaasheeda, isla markaana ay aragtay maydkeeda oo ay dhaawacyo xun ka muuqdeen.

Marxuumadda ayaa la tebay, kadib, markii ay sida caadada u ahayd ay Qoyskeeda booqan jirtey maalmaha Sabtida iyo Axadda ee fasax ka ah dalkaasi.

Qaar ka mid ah ehelka Marxuumadda ayaa isugu soo ururiyey hogeeda, iyadoo ay tiiraanyo ka muuqatay.
Qaar ka mid ah dadkii jeclaa Marxuumadda oo la hadlay Telefishinka News 8 waxay magaca Marxuumadda ku soo koobeen Muna Kuri.

Dhinaca kale, Saciid Cabdiyow oo ah Madaxa Jaalliyadda Soomaalida deggan Deegaanka ay Marxuumadda deganayd ayaa sheegay inay ahayd qof caan ka ah deggaanka.

Waxa uu tilmaamay inay Marxuumadda Muna Kuri degganad magaalladda San Diego muddo dhowr sanno, oo ay ku lahayd goob ganacsi, kana shaqeyn jirtey Xaruun maalintii lagu hayo Carruurta.

Si kastaba ha ahaatee, Baadhayaasha Boliska San Diego ayaa loogu baaqay inay eegaan wax kasta oo caddayn ah ee ku aadan Fal-dembiyeedka lagu dilay Marxuumadaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this