Deeq A. Posted March 5, 2019 San Deigo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka haweeney Soomaaliyeed oo Meydkeeda laga helay dhismo ku yaalla magaalladda San Diego Gobalka California ee dalka Mareykanka. Booliska dalkaasi ayaa sheegay in Meydka haweeneydani oo maalmo badan la la’aa laga helay qeybta hoose dhisme ka kooban toban biyaano. Marxuumada ayaa magaceeda lagu sookoobay Muna Kuri,waxaana qoyskeedu ay waayeen maalintii sabtida ee la soo dhaafay. Saraakiisha Booliska San Deigo ayaa xaqiijiyay in dhaawacyo ay ku yaallaan Marxuumada,balse aan la ogeyn cida ka dambeysa dilkeeda. Ugu dambeyn Saciid Abiyow oo ka mid ah Soomaalida ku nool California ayaa sheegay in haweeneydan aad looga yaqaanay gobolkaasi,islamarkaana ay aheyd ganacsato. View the full article Share this post Link to post Share on other sites