Deeq A. Posted March 5, 2019 Garbahaarey (SMN) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar culus ay ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkaasi, islamarkaana ay ka hortageen. Weerarka kadib aya lagu soo warramayaa in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday halkaasi, taas oo lala beegsaday dagaalyahannadii soo qaaday dagaalkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro war faah faahsan oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan duqeyntaasi iyo dagaalka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ciidamada dowladdu howlgallo kooban ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites