Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa kulan laba-geesood ah la yeelanaya maanta, iyaga oo ka wada hadli doona adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

FB_IMG_1551784307808-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551784310204.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551784312527.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551784315065.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551784317654.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551784325981.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551784328713.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551784331038.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551784336234.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this