Sign in to follow this  
Deeq A.

Hantida weerarkii Maka Al-Mukarama ku bur-burtay oo la shaaciyey iyo Farmaajo oo ballan-qaad sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi ka kooban 5 Xubnood oo ka socda Ganacsatadii ku hanta beeshay weerarkii ay Al-Shabaab maalmo ka hor ku qaadeyn Goobo Ganacsi oo ku yaala wadada Maka Al-mukarama ayaa xalay la kulamay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaj, waxayna warbixin ka siyeen khasaarihii hantiyadeed ee ka dhashay weerarkaasi.

Guddigaan ayaa Madaxweynaha u sheegay in hanta lagu qiayaasay in kabadan 3 milyan oo dollar ay ku baaba’day Weerarkii 28-kii Febraayo ay Al-Shabaab ay ku qaadeen Maka Al-Mukarama. Sidoo kale Guddigaan Waxay Madaxweynaha u shegeen in dad badan ay halkaasi ku ceertoobeen oo ay rajo beel ku dhacday.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u ballan guddigaasi in dowladda Soomaaliya ay taageeri doonto Ganacsatada ay hantidooda ku baa’ba’ay weerarkaasi, dhowaana Guddi ka socda Dowladda Soomaaliya ay qiimeeyn ku sameyn doonaan bur-burka iyo sida ay dowladda uga qayb qaadan karto taageerada ganacsatadaasi.

Gurey Xaaji oo ah Milkiilaha hoteelka Maka Al-Mukarama, sidoo kalane katirsan Guddigii la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay rajo wanaagsan ka muujiyay in Madaxweynaha uu ka *****n doono Ballan-qaadkiisa.

Qaraxii iyo weerarkii ugu dambeeyay oo Al-Shabaab ka geesteen Magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah. Sidoo kale waxaa ku dhawaacmay shacab kale oo ka badan 130 qof.

Qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaas waxaa ku jira kuwa ay xaaladooda liidato oo u baahan gargaar dibadda ah sida ay dhaqaatiirta sheegeen. Dowladda Soomaaliya wali kuma guuleysan in ay gar-gaar dibadda ah u raadiso dadkaas oo u badan danyar oo aan awoodin in ay dibadda u safraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii uu ku guda jiray olalahiisa doorashada sanadkii 2017 waxa uu ballan qaaday in hadii la doorto uu dhisi doono dhismihii ku bur-bura weerarada Al-Shabaab, sidoo kalane uu damaanad qaadi doono daryeelka carruurtii ay eheladooda ku dhintaan Qaraxayada iyo Weerarada Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this