Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Abiy oo FARMAAJO u bandhigay qorshe ka yimid Uhuru Kenyatta

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wada-hadallo ku yeeshay magaalada Addis Ababa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ka sokow arrimaha labada dal, haddana waxa ugu weyn ee wada-hadalladan diiradda lagu saaray ay yihiin xiisadda ka dhex-oogan Soomaaliya iyo Kenya ee badda.

Ra’iisul wasaraaha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa sida aan xogta ku helnay kala hadlay Farmaajo inuu kala dhex-galo isaga iyo Uhuru Kenyatta, islamarkaana ay wada-hadal ku xaliyaan muranka ka dhex ooggan.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal uu gadaal ka riixayo Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii tegay isna tegay magaalada Addis-Ababa, kaasi oo ah in ururka IGAD uu ku qanciyo Soomaaliya inay wada-hadal ka gasho arrinta badda, oo kiiska maxkamadda ICJ la joojiyo.

Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal.

Ma cadda in Farmaajo aqbalay qorshaha Abiy Ahmed, hase yeeshee wada-hadal laga galo arrinta baddan wuxuu ka hor-imanaya mowqifkii hore ee dowladda Soomaaliya iyo rabitaanka shacabka, oo u arki kara halis qaranka ku timaada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo arrintan ka halday shalay ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya weli ku adkeysaneyso go’aankeedii hore, isla markaana lagu kala bixi doono maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba wadahadal ka galeyn arrinta badda, hase yeeshee uusan saameyn ku yeelaneyn khilaafka jira xiriirkii iskaashi ee ka dhaxeeyey labada dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this