Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Ahmed oo shaaciyey 4 qodob oo xasaasi ah oo uu kala hadlay Farmaajo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shaaca ka qaaday afar qodob oo uu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta booqasho ku tegay Addis-Ababa

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayuu Abiy Ahmed shaaca uga qaaday in wada-hadalladii isaga iyo Farmaajo diiradda lagu saaray afarta qodob ee soo socda.

1 – Xoojinta nabadda gobolka ayada oo la eegayo heshiisyadii ay labada dhinaca horey u kala saxiixdeen.

2 – Xaqiijinta xalinta xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

3 – Sii wadidda qorshaha horumarinta dekedaha [Labada dal oo si wada-jir ah u horumarinaya afar deked oo ku yaalla Soomaaliya, taas oo lagu heshiiyey markii Abiy Ahmed uu Muqdisho yimid]

4 – Xaqiijinta xiriirka maamulka Somaliland, si loo taageero nabadda gobolka

Ra’iisulk wasaare Abiy Ahmed ma uusan bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan afarta qodoba ee uu Farmaajo kala hadlay. Sidoo kale, qeybta warbaahinta ee Villa Somalia, ayaan wax war ah ka bixin wixii laga wada hadlay.

Itoobiya ayaa dhowaanahan dadaal ugu jirtay inay dhex-dhexaadiso Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa sidoo kale taas toddobaadkii tegay kusoo biiray in biy Ahmed uu doonayo inuu kala dhex-galo Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, islamarkaana ay wada-hadal ku xaliyaan muranka ka dhex ooggan.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal uu gadaal ka riixayo Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii tegay isna tegay magaalada Addis-Ababa, kaasi oo ah in ururka IGAD uu ku qanciyo Soomaaliya inay wada-hadal ka gasho arrinta badda, oo kiiska maxkamadda ICJ la joojiyo.

D05GLejWoAAyqxn-1.jpg D05GLesWsAA0iHR.jpg D05GLejWkAAp1TJ.jpg D05GLaYXcAI5pJg.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this