Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Degay Addis Ababa Iyo Abiy Ahmed Oo Soo Dhaweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Addis Ababa, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

abi-far-696x464.jpg

Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Khayr iyo La Taliyayaashiisa, ayaa loo galbiyay madaxtooyada dowladda Itoobiya oo ay kulamo kula yeelanayaan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiye Axmed ayaa kulan horudhac ah ku yeeshan qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Bole, waxaa ay yeelan doonaan kulan kale oo labo geesood ah oo lagaga hadlayo iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo amniga dalalka dhaca Geeska Afrika.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee Magaceeda loo soo gaabiyo FANA ayaa qortay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu horseed ka yahay aragtida nabad ku wada noolaanshaha Gobolka Geeska Afrika.

Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayan in labada hoggaamiye ay isla soo qaadi doonaan sida la sheegay xaaladda kusoo kordhay gobolka Geeska Afrika oo bilooyinkii u dambeeyay isbedalo badan uu ka socday.

Axadii la soo dhaafay waxaa magaalada Asmara kulan Saddex geesood ah ku yeeshay Hoggaamiyaasha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, iyagoo ku heshiiyay sameysashada Iskaashi saddex goosaad ah oo ku aadan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo nabada, kaasi oo aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.

Kenya ayaa il gaar ah ku heysa waxa ka soo baxa kulankan cusub ee maanta dhexmaraya Abiye iyo Farmaajo, waxaana suura gal ah in kulankooda uu qeyb ka noqdo madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afwerki.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this