Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Ku Eedeeysnaa Kufsi Uu U Geystay Haweeney Oo Lagu Toogtay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gado)-Eedeysanahan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa in mudo ah ku xidhnaa saldhigga dhexe ee degmada Garbahaareey ayadoo loo heystay dambi isugu jira dil iyo Kufsi.

201935636873565852729034WhatsApp-Image-2

Ninkan ayaa ku eedeysnaa in gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Cali Macallin Saalax oo ay da’deedu ahayd 18 sano jir uu kusaday kadibna ceenji ku dilay, waxaana falkan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yucubleey oo qiyaastii 15 KM u jira degmada Garbahaareey.

32 sano jirkan ayay Maxkamadda degmada Garbahaareey 04-tii bishan march ku riday xukun dil ah, waxaana maanta ay maxkamaddu fulisay xukunkaasi.

Ninkan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaal duleedka degmada Garbahaareey, waxaana goobtii uu dilku ka dhacayay ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi iyo xubno ka socday maxkamadda cadaaladda degmada Garbahaareey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this