Deeq A. Posted March 5, 2019 Cammaan (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal C/raxmaan, ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan, dhiggiisa Dalka Qadar , Alsayid Axmed Bin Cabdalla Bin Zaid, markii ay halkaa uga qeyb galeen shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta. Kulanaka ayaa waxay Labada Mas’uul uga wada hadleen xiriirka Labada Baarlamaan ee Soomalia iyo Qadar, danaha ay wadaagaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Walaaltinimo ee ka dhexeeya. Shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta ayaa Shalay ka furmay Caasimadda Dalka Urdun ee Cammaan , wuxuuna socon doonaa muddo Laba Maalmood ah, waxaana cinwaan looga dhigay Qdus waa Caasismaadda soo jireenka ah ee Dowlaadda Falastiin View the full article Share this post Link to post Share on other sites