Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay deegaanka Dhanaane ee gobolkaasi.

Weerar qorsheysan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa la sheegay in lagu dilay askartani oo ka mid ahaa ciidamada milatariga ee ka howlgala halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in kooxihii ka dambeeyay weerarkani ay goobta isaga baxsadeen.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in horay ay uga qaateen askartaasi hubkii ay wateen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this