Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay weerar toos ah iyo duqeymo ka dhacay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gedo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar iyo duqeymo ay ka dhaceen deegaankaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo , Waxaana dagaalka ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka ay kala kulmeen Alshabaab ay iska caabiyeen islamarkaana ay iska difaaceen weerarka Alshabaab kaga yimid.

Weerarka kadib duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo waxaana duqeynta la sheegay inay khasaaro ka gaartay Alshabaab.

Alshabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarka ka dhacay deegaanka Buusaar waxaana ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda oo ay ku weerareen deegaanka, iyadoo xubnaha dowladda ay dhankooda guulo sheegtay.

Majiro wax war ah kasoo baxay dhanka madaxda dowladda ee gobolka Gedo sidoo kale majiro war kasoo baxay dhanka ciidamada Mareykanka oo duqeynmo ka fuliya gobolada dalka.

Caasimada Online 

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this