Sign in to follow this  
Deeq A.

“Wixii Dhacay Waxa Ay Ahayd Masiibo….” Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay qaraxyadii habeenkii khamiista ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed geystay.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Howlwadeenada Caafimaadka, hey’adaha ammaanka, kuwa gurmadka degdega, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ayaa sheegay in wixii dhacay ay aheyd masiibo, isla markaana muddo 11 sanno ay soo socotay

“Xaqiiqdii waa musiibo wixii dhacay, musiibadan waxay soo socotay muddo 11 sano wax hada bilowday ma ahan, wax sanadkii la soo dhaafay bilowday ma ahan, waxa aan la dagaalameyno waa Argagixiso”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Argagixisada ay la dagaalameyso horumarka, dowladnimada kobaca dhaqaalaha iyo nafta bani’aadamka, isagoo xusay in waxa ay raadsanayaan ayna aheyn dowlad kaliya, oo ay beegsanayaan shacabka.

“Ciidanka Keligood wax ma qaban karaan, howshan waa howl wadareed, waa wax noo wada yaalo, hadduu yahay siyaasi, ganacsade iyo culimo, haddaan laga wada shaqeyn amniga dhexda loo xiran oo loo daayo wiilasha dhalinyarada waxay qaban karaan waa wax aad u yar”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo,

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this