Deeq A. Posted March 5, 2019 Muqdishoi (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Hoomeyda oo marayay aargada degmadaasi. Ugu yaraan illaa 3 Qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen shilkaasi, kuwaas oo loola cararay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Qof Goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/dd.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites