Deeq A. Posted March 5, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada milatariga iyo kuwa Booliska Puntland ayaa weli howlgallo ballaaran ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa looga hortagayaa falalka ammaan dari ee ka dhaca magaaladaasi. Taliya milatariga Puntland Cabdi-Shukri oo la halday warbaahinta ayaa sheegay in baaritaanadu ay socon doonaa tan iyo inta la xaqiijiyano amniga Gaalkacyo. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in howlgalladii ugu dambeeyay ee shalay la sameeyay lagu soo qab qabtay ku dhawaad 60 qof oo u badan dhalinyaro. Muddooyinkii dambe waxaa xaafado ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah ah oo ay ka cabanayeen dadka deegaanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites