Deeq A. Posted March 5, 2019 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta uudhoofay dalka Itoobiya. Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka warbixiyay safarka madaxweynaha. “ “Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofay Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba. Madaxweynaha ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, waxayna kulankooda ku lafo-guri doonaan xoojinta xiriirka labada dil iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka. Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. Puntland Post The post Farmaajo oo u amba baxay Itoobiya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites