Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo markale war kasoo saartay arrimaha doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa markale ka hadlay arimaha doorashooyinka madaxtinimada ee dhawaan ka dhacaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) ayaa ka sheegay magaalada Doolow in dhamaan siyaasiyiinta maamulka Jubbaland ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb galaan doorashada ka dhacaysa magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland ay diyaarineyso dhamaan waxyaabaha aasaasiga ah ee loo baahan yahay, gaar ahaan xaqiijinta amaanka musharixiinta iyo goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan.

Wasiir Janan, ayaa markale ka digay ciidamada amaanka inay u kala eexdaan musharixiinta tageysa magaalada Kismaayo, islamarkaana inaysan marnaba ku lug yeelan doorashada dhawaan dhaceysa.

Bisha Augosto ee sanadkan ayaa waxaa ku eg mudo xileedka madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo la filayo in doorashada ay ku dhacdo sida loogu talagalay.

Dhawaan musharixiin tagay magaalada Kismaayo ayaa loo diiday inay soo dhaweyn ka helaan shacabka ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this