Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Xidig oo Shaaciyay sida doorasho xalaal ah kaga dhici karto Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid xubnaha baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ah musharax doonaya inuu ka tartamo Kismaayo ayaa shaaciyay hanaanka ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xalaal ah.

Kadib markii uu kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in doorasho lagu wada qanacsan yahay ay ka dhici karto magaalada Kismaayo, marka musharixiinta iyo madaxweynaha talada haya ay si wadajir ah kaga qeyb qaataan diyaarinta nidaamka doorashooyinka.

“Doorasho xalaal ah inay ka dhacdo Kismaayo ayaan rajeyneynaa, waxaan leeyahay waxaa wanaagsan in maamulka iyo musharixiinta ay ka wada shaqeeyaan hanaanka doorashada, taasi oo keeni karta mid si xalaal ah ku dhacda”ayuu yiri Mr Xidig.

Wuxuu sheegay inuu ka digayo musuq lagu sameeyo soo xulista xidhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo gaaraya 75 xildhibaan, waxaana soo xulaya odayaasha dhaqanka Jubbaland.

Dhinacyada kala duwan ee ku taamaya ku lug lahaanshaha awooda Jubbaland ayuu sheegay inuu kaga digayo inay faragelin ku sameeyaan doorashada ka dhaceyso Kismaayo.

“Waxaan ka digayaa cid walbaa oo faragelin sameyn  karta inay farageliso doorashada xildhibaanada iyo tan madaxweynaha oo ka dhacaysa magaalada Kismaayo, sidaa ayaana lagu gaari karaa doorasho xalaal ah”ayuu yiri Mr Xidig.

Dhawaan safar uu ku tagay magaalada Kismaayo ayuu kula kulmay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana xogo soo baxaya ay sheegayaan inay labadaba Saaxiibo dhow yihiin, islamarkaana uu yahay Xidig qorshaha labaad ee Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this