Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo laga dalbaday inay cadaalada horkeento askari Hooyo NAAFO ah ku dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa ka hadlay dil shalay magaalada Muqdisho loogu geystay hooyo Soomaaliyeed oo cuuryaan ah oo lagu dilay afaafka hore ee Hotel Shamow.

Dilka waxaa ka dambeeyay askari ka tirsan ilaalada hotelka kaasi oo la sheegay inuu xakameynayay dad badan oo kusugnaa hotelka kuwaasi oo xiligaasi qaadanayay kaarar ay dhaqaalo ku qaadan lahaayeen.

Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan aasi doonin haweeneyda ilaa laga soo qabto askariga ka dambeeyay dilkeeda, Waxaana uu sheegay inay ka tagtay caruur badan oo ay masruufi jirtay.

“Gabadhaa Walaashey ah alla ha u naxariisto, horeyna naafo ayay u aheyd ninkii dilay waxaan og nahay inuu ilaa hadda Hotelka uu ku jiro oo aan waxba laga qaban, waxaan leeyahay hadey maamulka hotelka yihiin iyo laamaha amaanka lama duugayo meydkeeda ilaa laga keeno ruuxii dilka geystay”

“Maskiin ayay iska aheyd kaar lacag lagu qaato ayay doonatay, laakiin waxaa cajiib ah in xabada uu sida Kaniini uu kale u laqsiiyay oo afka uu xabad ka geliyay, waxaana lala yaabay markii hore qore ma uusan heysan”ayuu yiri xildhibaanka.

Shalay ayay aheyd markii askariga uu dilkaasi geystay waxaana wali jirin wax jawaab ah oo maamulka Hotel Shamow kasoo baxay.

Caasimada Online 

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this