Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal wasarraha Itoobiya iyo Hinddisayaashiisa cusub maxad kala socotaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

abokor-169x300.jpg

Ra iisul wasarraha Itoobiya iyo Hinddisayaashiisa cusub maxad kala socota ; ee ka qayb -gale kastanna a bixinaayo $180,000 marka ka dibna soo bandhigaayo Ganacsigisa iyo Suuqa uu doonayo inuu ka helo Caasimada Itoobiya Addis Ababa?

Waa Tabbo iyo Xeelado Siyaasadeed oo isa sudhan ee Ra,iisul wasaraha Itoobiya ee Wakhtiga kale guurka ee Itoobiya ku jirto uu ku bud-dhigaayo himiladiisa Hogaamiya-nimo ee hiigsiga iyo siddii ay ugu hirgeli lahayd uganna iibsami lahayd.

Waa qaybo ka mid ah Xadhka Hindayaasha cusub ee Ra,iisul wasaraha Ethiopia doonayo inuu Caasimada Dalkiisa ku cusboneysiyo.

Waxa uu Macsuumad u fidiyey Ganacsatada Itoobiya gudaheeda iyo inta kale Geeska Afrika ku sugan. Macsuumada waxa ku lifaaqan in Ganacsad,e kast oo ka soo qayb galya Kulanka Ra,iisul wasaraha inuu hibeeyo qadhan dhank $180,000 kun oo dollar.

Ganacsatadda waxa ay soo badhigayan waxa ganacsigood yahay iyo Suuqaay door bidayaan inay helaan dhulka Caasimada Itoobiya gudaheeda ee Ra iisul wasaruhu doonayo maal-gelinta .

Abiya waxa uu ahmiyad weyn siinaya in sidii ay Caasimada Itoobiya Addis Ababa u noqon lahayd mid uu aad u dhaqaaqo xarakada Suuqeeda Ganacsi gaar ahaan si dhakhso ah una haab-habto ama u gaadho sidda Nigeria iyo ka South Africa ee ah kuwa ugu waa weyn afrika marka la eego guud ahaanteed.

Siddoo kale Itoobiya Ganacsigeeda Xort ahi waa Albaab xidhnaa jiray oo iminka ooda lagga qaaday sidda soo jirenka ah waa markii you horeysay Xukumada Itoobiya ahi ay ku dhaqaaqdo in Albabada ganacsiga xorta ah uu furan yahay ee wax kala iibsiga mid wax soo gelineed iyo kii wax dhoofinto isagga na ay doonayan intii hore ay u haysteen uu ka sii bato.

Halka waxa u Abiya Ahmed dar-dar gelinaaya in si dhakhso ah Hogamintiisu Itoobiya u horseed karrto ibo-fur Dhaqaale iyo ganacsi oo lixaad leh Itoobiya ka dhex muuqato Geeska Afrika iyo Afrika gebi ahaanteed ba.

Hadafkiisu Qof dhugmo iyo il-dheergaradnimou sugan tahay ayaa fahmi karra xaggii ku foogan yahay ee Geedigiisu u fool jeeedo.

Waxa uu Tooshka ku haya wax kasta oo u sahli karra inuu halabsado guusha Doorashada la filaayo inay Itoobiya ka hirgasho 2020 marka ka dib na uu noqdo Ra,iisul wasare haysat kalsoonida Ummada Itoobiya guud ahaanteed kuna yimi codka Muwadininta .

Sidda oo kale waxa uu yar doonaya inuu Qalbiga iyo quluubta Muwadininta Itoobiya ku sawirro sawirkiisu iyo magaciisa Abiya Ahmed kunna baa bii,iyo Taariikhdu hore uu la laha ee ku xidhmaysay Qoladdii la odhan jiray TLfP Itoobiya 27 sanadood ku Amar taag ,leynaayey Hogaanka iyo Xukunka Itoobiya.

Dadka ku xeel dheerayasha ah Siyaasada iyo Hababka Dhaqaale Abuur ku waxay tibaaxa-yaan in hore rag sidda Abiya waxa hoga-tusaaley ay soo mareen Afrika waliba asaggu waxa kaliya oo uu ka hadlaya waa Itoobiya iyo isku codka Geeska Afrika ee ay jireen kuwo iyaggu ka hindiso fiicna balse ay ku danbeysay “Geedow waxaan ku mooday ma se waxad noqotay iyo waxan loo noqon donin .

Tusaale waxay u soo qaadeen Nelson Mandela Nkrum iyo Jamal Abdinaasir, Jommo kennyata oo ku hamiyey inay afrika mid noqoto hasa yeeshe mid waliba Maalintu Xukun dalkiisa gacanta ku dhigay Afrika uu mideeyo daaye lagga kicin kari waayo kursigii Fikrada ah Afrika waa Hal iyo qadiyad Muwaadinimo Afrika .

Inta waxa ay ku ladhayaan waxa kaliya ee uu Abiya Ahmed ogsoon yahay waxa uu aha iyo halka lama filaanka ah ee sidda fudud ku soo koray marka waa inuu muujiya wax kasta oo horseedii karra isagga inaanu noqon mid halku ka yimi dib ugu noqdee ugu yaraan uu wax kale ba iska daayo horta 2020 iyo doorashad inuu hela Wadadii bila qodxa ah ee gaadhsiin lahayd inuu ku guleysto iyo inuu u fikarro hogaamiye leh aragto fog oo ummada dhibaatad iyo nolasha adaga la soo noolay inta badan ku geli lahayd Nolal nabdoon oo neecow qabow oo Qaligood iyo qulubtooda dejisa ku tubtii ay u mari lahyeen kunna Hiran lahayeen u jaheeya .

Hasa yeeshe waxa lama gafaan ah inuu wajahayo halkan adag oo Siyasadeed gaar ahaan qomiyad Oromada eek a soo jeedo aan ku niyad sameyn waxa badan isku dayey iyo waxyabah kuu ku dhaqaqay ay ka mid tahay nabadeynta Itoobiy iyo Eriteria iyo Baaqyadaiyo kulamad geesaha badan ee ku fooganna intii xilka ra,iisal warrae qabtay ee Itoobiya .

Kuwa ugu fog ee ka soo hor-jeeda waxay ku doodayaan inuu ka mid ahaa dhibaatadii iyo tacdiyadii Itoobiya ka hirgalay kanna mid ah Kaadirinta ugu waa weyna ee u adeegi jiray Xukunkii Tigregu gadhwadeenka ka aha . waxa ay int ku lifaaqan waxyabah uu hadda ku dhaqaqay waa raad –gadsh iyo inuu sawirkiisa Qalbiga iyo quluubta dadka ku sawiro . Imaantin kiisu ma uu ahayn sharci ee wax uu ku yimi ummadii shacbka ah ahyd ee Naftooda iyo Maalkood u hurey si loo damiyo ayey ahyd .

Waxa uu Tigreyga uga dhigna ama u ahaa Inan yar oo ay soo korsadeen xita waxyaabaha uu ku dhaqaqay ma ahayn kuwo ay ka filayeen Tigreyga laftigoodu ama-kaag ayey ku noqotay Tigregii siddaas oo kale ayaanan u aamineyn wax kast oo uu hindiso wax hirgal noqda iyo wax aan suro-gal noqon ba .

Si kale haddii aan u turjun wax uu midiyo lisanya sidii Ra,iisal wassare sharciya u noqn laha halkan sidii Meles Zaawi lagga dejin kari waayo Xukunka dalak . Wali waa Nin ku dhegan Xusbigii ERDF wax kale oo damacsan yahya inuu ku soo darro Qomiyadaha kale sidda Somalida canfarta ,iyo Hererida halkan uu yidhaahdo waxa aan heysat Aqbaliyad Itoobiya ama uu ku doodab waxan isku haya Itoobiya waa mid si wacan aan uga dheregsan hayn tabihisa iyo xeeladaha uu donayo inuu ku dabro-xaqo u dirirkii Itoobiya ka biloday 2015 kumaankun ka Muwaadinta ahin u shahiideen. Sharciga uu hadda ku jooga ra,iisul wasaraha waa sharcigii Xoog Dalka ee aanu ka dagaalanay . Ta aanu dooneyn waxa weeye dal leh shuruucda jamhuuriyadeed oo Ciidanka iyo Xukumad kal madax banana yihiin sidda dallaka deriska qaarkood ka jirta . Hadadan wax jir mad madow durb soo baxay habka doorashada gudiga qabbban qaabineysa loo doortay iyo sida habka kale doorshad lagu galaayo .

Waxa aan ku nasiib qaadayna waxay weeye codka Muwadininta Itoobiya iyo Xusbiga ay doortaan Oromad oo kaliyi ma saluugsan hanaanka doorashad u dhici doon iyo habka loo galeyo ee xusbiyadu u geli doon tusaale ahaan Tigrey degaankood lama garanyo sidda ay waxa uga dhacayaan ka Amxaardu waxba ka jira isagga na Soomalida ,iyo Canfartun .Xaalkood waa murugsan yahay oo dhibaato xoog leh iyo Buuq ba waa ka tagan yihiin waan hubaal in Xaladahoodu sii xoogaysan donaan marka wakhtiga la gaadho .

abokorm@hotmail.co.uk

Abokor I Mohamud

Fikrada iyo Aragtida Xorta ah.

 

Dhamaan maqaalada shabakadani ku soo baxaa was Aragtida iyo fikrada akhrisayaasha mana aha mid ay ku matalaan Aragtida shabakadani

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this